Ciidamada booliska ee magaaladda doolow ee gobolka gedo ayaa gacanta kusoo dhigay nin beer dhexdeeda ku dilay nin kale kadib muran labadooda dhexmaray.
Ninka dilka gaystay ayaa watay qori ak47 ah wuxuuna rasaas kala dhacay madaxa marxuumka dhintay.
Gacan ku dhiiglaha ayaa hadda lagu soo xiray saldhiga booliska ee degmadda doolow waxaana kusocoto baaris.