Dagaal saaka ka qarxay degmadda raaskambooni ee gobolka jubbada hoose ayaa lasoo hadda istaagay waxaana jira qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.
Dagaalka oo la,isku laabtay ilaa seddex jeer ayaa lasoo sheegayaa in ciidanka jubbaland laga gubay ilaa 3 gaari isla markaana laga qabtay askar biyo u doonatay ceelka magaalada raaskambooni balse weli lama oga ciida ku gacan saraysa waxaana laga warsugayaa inta xaqiiqada laga soo bandhigayo.
Labadda dhinac ee uu dagaalka u dhaxeeyo ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay magaaladda raaskambooni waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro gurmadyo labbada dhinac ah oo ku wajahan raaskambooni taas oo uga sii darayso colaada ka aloosan deegaanka raaskambooni ee gobolka jubadda hoose.