Degmadda doolow ee Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday kaas bilowday saaka ilaa galabtana soo gaaray una dhaxeeyay ciidamadda dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa itoobiya.
Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa ah dhimashada shan askari ciidanka dowladda ah,dhaawaca afar iyo toban askari oo ciidanka dowladda ah.
Dhanka ciidanka dowladda itoobiya xogaha aan helayno ayaa sheegaya in ay ka dhinteen labbo iyo toban askari dhaawacana waxaa uu kor u dhaafayaa labaatameeyo.
Waxaa jira dad shacab ah oo ku dhaawacmay dagaalka kuwaas oo ah sideed qof oo rasaastu ugu tagtay xaafadahooda.
Shacabka ku dhaqan degmadda doolow ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada,kadib dagaalkii maanta,ciidamadii dagaalamayay ayaa ishorfadhiyo.