Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed saaka aroortii ka dhacay degmadda luuq ee gobolka gedo kaas oo sababay qasaare xooggan.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in 15 qof oo labada dhinac ah ay ku geeriyoodeen dagaalka iyadoo dad kale oo dhaawacyo kala duwan qaba la geeyay isbitaalka magaaladda luuq iyo xarunta caafimaadka ee ciidamada itoobioya ay halkaasi ku leeyihiin.
Baaqyo nabadeed oo lagu doonayo in labada dhinac dagaalka lagu joojiyo ayaa soo baxayay saacadihii lasoo dhaafay inkastoo weli xaalada ay hada degan tahay.
Dagaalkaan ayaa dib uga soo cusboonaaday degmadaasi luuq,inkastoo horay nabadayn looga gaaray.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka jubbaland ay taageero siiyeen garabyada ku lugta leh dagaalka.Tani waxay muujinaysaa in isku daygii nabadaynta uu guuldaraystay.
Dagaalka luuq waxaa uu kusoo beegmay iyadoo madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam(axmed madoobe) uu shalay magaalada kismaayo ka furay shir lagu doonayay in nabad looga gaaro colaadda luuq.
Si kastaba ha ahaatee baaqii nabadeed ee shirkaas kaspp baxay weli ma miro dhalin waxaana hada degan xaalada degmadda luuq,inkastoo weli walaac laga qabo xaaladda guud.