Dowladda dalka Zimbabwe ayaa si rasmi ah u baabi,isay ama meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa kadib markii madaxwaynaha wadankaasi Emmerson Mnangagwa uu saxiixay xeer dilka u bedelaya in ay mudoo xirnaadaan maxaabiis dhan 60 oo dil toogasho ah ku xukunaa.
Waxaa jirtay hakinta xukunadda dilka ah ee ka dhacayay dalka Zimbabwe tan iyo sanadkii 2005-tii in kastoo maxkamadaha ay sii wadeen xukunka dilka ah ee loo haysto dambiyada ay kamid yihiin dil,qiyaano qaran iyo argagixisnimo.
Xeerka ciqaabta dilka oo lagu daabacay wargayska dowladda Zimbabwe ayaa qeexaya in maxkamaduhu aynan mad dambe adeegsan doonin xukun dil oo ka dhan ah dembi kasta taasina loo bedelay xabsi.
Si kastaba ha,ahaatee hal qodob ayaa sheegay in hakinta ciqaabta dilka la qaadi karo inta lagu jiro xaalad degdeg ah.
Ugu yaraan 59 q0f ayaa la diiwaangeliyay in lagu xukumay dil dalka zimbabwe dabayaaqadii sanadkii 2023-kii.
Waxaa sidatan bayan ay soo saartay ku sheegtay hay,adda caalamiga ee xuquuqul adaanaha ee Amnesty International oo xustay in ay soo dhawaynayso isbedelka cusub oo ay ku tilmaantay mid taariiqi ah.