Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal saakay duleedka deegaanka raaskambooni ee gobolka jubadda hoose ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland.
Wasaaradda gaashaandigga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay uu bilowday kaddib markii ciidamo katirsan maamulka jubbaland weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa haramacad.
Warka ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandigga si gaar ah ula socoto qorshe uu axmed madoobe xeriir kula sameeyay alshabaab taas oo la sheegay in ay keentay in ay alshabaab oggoladaan in ciidanka axmed madoobe dhex maraan si ay weerar ugu qaadaan raaskambooni.
halkaan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka