Militariga israa,iil ayaa sheegay in 55 gantaal oo laga soo riday lubnaan lagu dhuftay magaaladda Haifa iyo magaalooyin kale oo ku yaala waqooyiga israa,iil.
Sida ay sheegeen ciidamada israa,iil qaarkood ayaa gantaalada waxaa qabtay nidaamka difaaca hawada ee iron dome-ka,halka qaarkood ay ka baxsadeen oo ay qasaare xoogan gaysteen.
Adeega caafimaadka ee israa,ii lee megan adom ayaa waxaa uu sheegay in nin 29 sano jir uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray firirka gantaalada,halka qof kalena uu dhaawacmay kadib markiiĀ gantaal ku habsaday hoygiisa.
Dhinaca kale sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP ururka xisbullah ayaa waxaa uu sheegay in uu gantaalo ku garaacay xeri militari oo ku taala magaaladda Haifa.
Si kastaba maamulka israa,iil ayaa lagu yaqaanaa inay qariyaan ama ugu yaraan hoos u dhigaan qasaaraha ama waxyeelada kasoo gaarto weerarada kaga yimaada Iran iyo xulafadeeda.