Maleeshiyada kooxda alshabaab ayaa markii ugu horaysay shaacisay muuqaalka abwaanada kala ah nageeye cali khalif iyo c/waaxid cali gamaadiid oo kamid ahaa abwaanada reer soomaliland kuwaas oo dhowaan u baxsaday kooxdaas.
Gamaadiid iyo nageeye cali qaliif ayaa muuqaalka lagu arkay iyagoo ku labisan dareeska kooxda isla markaana ku hubaysan labbo qoro oo Ak47 ah.
Halka ay taaganyihiin labadda abwaan waa duleedka degmadda rabdhuure ee gobolka bakool oo 90km ujirta degmadda xudur oo ah magaala madaxda bakool.
Gamaadiid ayaa mudoo dhowr bilood la raadinyay isagoo kunoolaa magaalada hargaysa oo uu ku noolaa waxaana markii dambe soo waxay warar sheegayay inuu u goostay dhinaca kooxda alshabaab.
Waraysi uu siiyay warbaahinta kooxda alshabaab ayuu ku sheegay inuu muddo dhowr sano ah aaminsanaa fikirka xagjirnimada.
Wuxuu tusaale usooq aatay gabayadiisa oo u badnaa kuwa uu ku taageeri jiray dhaqdhaqaaqyada kooxdaas isagoo dhowr jeer loo xiray inuu xeriir la leeyahay kooxdaas.
Nageeye cali qaliif ayaa isna ka baxay magaaladda muqdisho oo ku sugnaa,dhowrkii sano ee lasoo dhaafay isagoo barre ka ahaa jaamacadda umadda oo ay maamusho dowladda soomaaliya mar keliya ayaana la waayay isagoo markii dambe kasoo hadlay degmadda jilib oo haatan ah xarunta dhexe ee maleeshiyada kooxda alshabaab.