Kooxda xuutiyiinta ee dalka yemen ayaa jimcihii shalay sheegtay masuuliyada weerar lagu qaaday Markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas kaasi oo sida ay sheegtay hay,ad arimaha badaha ka shaqaysa ka badbaaday 5 gantaal oo lala beegsaday.
Waxaa ay xuutiyiinta sheegeen in ay sidoo kale beegsadeen 3 markab oo kale oo ay kujiraan 2 markab oo marayay badda Mediterranean-ka.
Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada israa,iil.
Yaxye sare afhayeenka militariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telifishinka yemen ku sheegay in kooxdam ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka delonix oo ah nooca shidaalka qaada isla markaana ay gantaalka la heleen.
Si kastaba ha,ahaatee hay,adda kormeerka howlaha ganacsiga badaha ee boqortooyada ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabkaas lagu bartilmaameedsaday meel 172 mayl waqooyi galbeed ka xigta dekeda xudaydah ee dalka yemen isla markaana uusan sheegin wax qasaare oo kasoo gaaray weerarka.