Ururka xibullah ayaa saakay qaday weerarkii ugu horeeyay oo ay ka gaysteen tel aviv,kaddib markii gantaalka ridada dheer ee ballistic-ga ah “Qadar-110” ay la beegsadeen xarunta dhexe ee hay,adda sirdoonka israa,ii lee Mossad oo kutaalla duleedka tel aviv,iyagoo sheegay weerarkaan inay uga jaawabayaan qaraxyadii nidaamka isgaarsiinta xisbullah.
Majiro qasaare weerarkaan laga soo bandhigay xili israa,iil ay sheegtay in nidaamkooda difaaca uu ka hortagay gantaalkaan oo ah gantaalkii u horeeyay ee ridada dheere oo ay xisbullah ku weerarayso tel aviv,tan iyo inta israa,il ay balaarisay duulaankeeda lubnaaan.
Waa markii u horaysay oo la ogolaanayo in ay ururka xisbullah haysato gantaalka ballistic-ga ah ee Qadar-110 oo ay soo saarto dowladda iran,horey waxaa loo oggaa keliya xuutiyiinta dalka yemen inay gantaalkaan ku hubaysay iran.
Qadar-110,wuxuu leeyahay madax qarxa o oleh culays 1,000kg taa oo ka dhigan inuu burbur xoog leh ka gaysan karo masaafada uu gaari karoo o u dhaxaysa 1,350 km ilaa 1,950,isku darka culayskiisa guud ayaa sidoo kale ah 17,480 kg.
Wuxuu u muuqdaa weerarkaan sidoo kale fariin ay ku sheegayso xisbullah inay wali xooggan tahay,tan oo walaac ku ah israa,iiliyiinta oo ka fakaraua haddii hal gantaal uu nidaamka difaaca celiyay ka warran boqolaal gantaal oo kabadan tirade uu celin karo nidaamkan,markaa oo ay arki karaan burbur wayn oo gaara,iyadoo wax walba ay ka samaynayso israa,iil si aan xad lahayn gudaha lubnaan.
Sidoo kalena qasaarihii ugu horeeyay uu gaarau xisbullah,wali kooxda reer lubnaan waxay u muuqataa inay ka fogaanayso dagaal dhab ah oo ay la gasho israa,iil,laakiin si cad marxaladaan waxaa ay u muuqanaysaa inuu Netanyahu samayn dooni wax walba si uu dagaalka ugu soo jiido xisbullah.
W/T Iman Jama