Ciidamadda nabad galyada dalka Uganda ayaa isku gaadaamay xarunta xisbiga ugu wayn mucaaradka dalkaasi xili la qorsheeyay in uu ka dhaco dibad bax looga soo horjeedo dowladda oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Booliska ayaa buux dhaafiyay agagaarka dhismaha xafiiska midnimada qaran ee (NUP) oo ku yaala meel u dhow caasimada kampala,halkaas oo la sheegau inay ko socotay qaban qaabada banaanbaxyo dowladda ka dhan ah.
Hanjabaada mudahaaraadyadu ayaa ka caraysiiayy madaxwaynaha mudada dheer kursiga fadhiyay ee Yoweri Museveni,waxayna dowladdu sheegtay in dibad baxyadda ay gacmo shisheeye gadaal ka riixayaan.
Hogaamiyaha xisbiga NUO Robert kyagulanyi ayaa ku tibaaxay in laga hor istaagay inay soo galaan ama ka baxaan xarunta,wuxuuna ninkaan oo loo yaqaano Bobi Wine intaa ku daray in dhowr hogaamiye oo mucaarad ah si sharci daro ah loo xiray.