Dowlada maraykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay is afgaradkii badda ee ay galeen itoobiya iyo maamulka Somaliland waxayna taageero u muujisay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee soomaaliya.
Kusimaha danjiraha maraykanka ee qaramada mibooay Robert wood ayaa markale ku celiyay sida maraykanka uga walaacsanyahay xiisada ka dhalatay heshiiskaas u dhaxeeya soomaaliya iyo itoobiya
“Saaxiibayaal maraykanku waxaa uu weli aad uga walaac sanyahay xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa itoobiya iyo soomaaliya,iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,”ayuu yiri wood oo ka hadlay kulankii golaha ammaanka ee QM ee arrimaha soomaaliya.
“Waxaan ku biiraynaa midowga afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee soomaaliya.Wadahadal dibloomaasiyadeed ayaa ah dariiqa dejin karo xiisadaha waana dariiqa keliya ee loo marki karo,“ayuu yiri wood.