Wasaaradda deegaanka iyo isbedelada cimilada maamulka jubbaland ayaa maanta degmadda doolow ee Gobolka Gedo ku qabatay tababar ku saabsanaa ilaalinta deegaanka,la dagaalanka xaalufka,maaraynta qashinka iyo qorshayaasha u degan la tacaalida isbedelada cimilada.
Mashruuca tababarka oo ahaa barwaaqo ayaa waxaa daahfuray wasiir kuxigeenka wasaarada isbedelka deegaanka iyo isbedelka cimilada maamulka jubbaland maxamuud nuur biixaani,waxaana loo qabtay shaqaalaha wasaarada heer gobol iyo mid degmo,wasaaradaha kale ee bah wadaagta la,ah,xubno ka socday maamulka degmadda iyo qaybaha kale duwan ee bulshadda.