Maamulka gobolka Gedo ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray dagaalkii shalay subax ka dhacay degmadda garbohaaray ee xarunta gobolk gedo.
Waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in la soo afjaray caqabadihii iyo dhibaatadii dhawrkii bil ee lasoo dhaafay kajirtay degmadda garbohaaray ee ah maamulkii hore ee fawdada ka waday degmadaas.
Sidoo kale maamulka gobolka Gedo ayaa ka codsaday hay,adaha duulista hawada ee federaalka iyo jubbaland in ay ka shaqo bilaaban garoonka diyaaradaha ee degmadda Garboharay oo in muddo u xirnaa maamulkii hore ee degmadaas qal-qalka iyo fawdada ka waday.