Waxaa shalay xurayadiisa dib u helay cali cabdule sheikh cali (cali geele) oo dhowaan maleeshiyaadka macaawiisleey ah oo kasoo jeeda degmadda ceeldheer kasoo afduubteen deegaan hoostaga degmadda galhareeri ee gobolka galgaduud.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraleey ah waxaana afduubkiisa ka dambeeyay nin ay dhul isku haysteen oo kasoo jeeda degmadda ceeldheer kaas oo maaleeshiyaad ay xigto ahaayeen u shirqoolay ninkaan si ay u afduubtaan uguna sifeeyaan in uu ahaa lashabaab.
Warbaahinta dowladda gaar ahaan tvg-ga qaranka ayaa lagu baahiyay in ciidamada macaawiisleyda ah ay gacanta kusoo dhigeen horjooge katirsanaa kooxda alshabaab,waxayna tv-ga sheegeen in ninkaan alshabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah.
Warkaan lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ayaana si wayn uga caraysiiyay ehelada ninka afduubka loo gaystay waxaa ayna dad badan shaki geliyeen sida warbaahinta dowladda u shaqayso iyadoona dad badan ka aamineen warbaahinta dowladda mid dano gaar ah ka shaqaysa.
Cali geele oo laga soo daayay xabsiga godka jilacoow oo uu dhowr maalin ku xirnaa ayaa xalay si wayn loogu soo dhaweeyay deegaanka gubta ee katirsan degmadda dayniile,waxaa uuna ninkaan u mahad celiyay cid kaste oo ka dhiidhisay dulmigii iyo afduubkii loo gaystay.
Afduubka cali geele ayaana dhalisay xiisad ka dhex dhalatay beesha uu kasoo jeedo iyo beesha degmadda ceeldheer kuwaa oo siyaabo kala duwan rag isaga afduubtay,hase ahaatee dedaalo ay sameeyeen waxgarad iyo siyaasiyiin ayaana xal looga gaaray xiisadii labada dhinac u dhaxaysay.