Dowladda iran ayaa xalay gantaalo culus ku garaacday magaalooyin kala duwan oo kuyaala israa,iil,waxaa uuna weerarkan cabsi badan ku beeray dadka isra,el oo xalay badankood ku hoyday goobo gabaad looga dhigto madaafiicda oo dhulka hoostiisa ku yaala.
War kasoo baxay saakay oo arbaco ah dowladda iran ayay ku shaacisay in ay soo gabagabeeysay duqaymihii dhinaca cirka ah ay ka fulisay gudaha israa,iil,mana bixin dowladda Iran faahfaahino badan oo weerarkan ku aadan iyo qasaaraha ka dhashay duqaymaha.
Dowladda iran ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa 180 gantaal xalay ku riday dhulka israa,iil maamusho,waxa ayna iran sheegtay in duqaymaha lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah,gaar ahaan saldhigyo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ahaa.
Holaca ka baxayay madaafiicda laga soo riday Iran ayaa ifiyay hawada guud ahaan israa,iil iyada oo la maqlayay seeriga digniinta madaafiicda,halka dadka rayidka ah ay u kala ordayeen guryaha looga gabado madaafiicda culus.
Maamulka isra,el ayaa ku hanjabay in jawaab adag oo degdeg ah ka bixin doonaan weerarka Iran xalay kusoo qaaday waxaa ayna masuuliyiinta israa,iil ku hanjabayaan in ay beegsan doonaan goobo muhiim ah oo ku yaala gudaha Iran.
Militariga isra,el ayaa sheegay in ay ka hortageen inta badan madaafiicda,iran ayaana sheegtau in ay bartilmaameedsatay qaar kamid ah saldhigyada militari ee isra,el,lamana soo warin ilaa hadda qasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkii Iran ku qaaday isra,el.