Hogaanka amniga Gobolka gedo jeneraal Jamaal xasan sareey oo maalmihii u danbeeyay howlo shaqo ugu maqnaa magaaladda caasimada ah ee muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay degmadda doolow ee gobolka gedo.
Jeneraal Jamaal ayaa intii uu ku sugnaa muqdisho waxaa uu kulamo la qaatay saraakiisha ugu saraysa hay,adda nabadsugida.
Taliye Jamaal waxaa uu kamid yahay saraakiisha fara kutiriska ah ee leh qibrada iyo aqoonta ciidanimo,isla markaana waa sarkaalka xiligaan ugu saamaynta badan gobolka gedo.