Sirdoonka israa,iil ayaa sheegay inay xireem nin dhalinyaro ah israa,iili ah oo degan magaalo ku dhow Haifa kaasi oo isku diyaarinayay in uu u safro soomaaliya.
Booliska ayaa sheegay in ninkaan soomaaliya usoo aadi rabay si uu ugu biro kooxda daacishta soomaaliya,weerarana uga gaysto gudaha israa,iil iyo caalamka.
Ninkaan oo 17 jir ah ayaa la sheegay in uu diyaariyay qorshaha uu ku tagi lahaa soomaaliya,kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran,aruurin dhaqaale,qaadashada baasaboor ajnabi ah iyo in uu xeriire la sameeyo daacish isaga oo adeegsanaya internetka,sida ay maanta sheegtay hay,adda ammaanka isra,iil ee ShinBet.
Arrintaan ayaa soo shaac baxday maalmo kadib markii saraakiil maraykan ah laga soo xigtay in madaxa daacishta soomaaliya uu noqday hogaamiyaha ugu sareeya ee kooxda Daacish.