Yaxye sinwaar oo ururka xamaas ugu magacaaban gudoomiyaha marinka qaza ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay duulaanka israa,iil.
Sinwaar ayaa sheegay in koonfurta qaza uu ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeyo ciidamada Israel iyo xoogaga wax iska caabinta ee falastiiniyiinta.
“Ciidamada cadawga waxay wajahayaan dagaal ba,an oo aan horey loo arag waana dagaal lagu dhiig bixinayo ciidamada soo duulay.” Ayuu yiri sinwaar oo maalinkii isniinta jeediyay qudbadiisa ugu horaysay taniyo weerarkii xamaas 7-dii oktoobar ka gaysatay dhulka ay israaiil maamusho iyo falcelinta adage ee ka dhalatay ee tel aviv ka wado magaalada go,doonsan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in warqad uu u diray xafiiska siyaasada ee xamaas uu ku cadeeyay in ciidamada soo duulay ay la kulmayaan qasaare culus oo xaga noolasha iyo Khalabka ah.
“Guutada cisa dil an qasaam( garabka militariga xamaas) waxay bartilmaameedsadeen in ka badan 5000 oo sugu jiro askar iyo saraakiil waxayna dileen 3 meelood oo meel kamid ah.” ayuu yiri yaxye sinwaar.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri” ku dhawaad 3,500 oo askari ayaa six un ugu dhaawacmay amaba ku naafoobay dagaalka waxaana lagu burburiyay in kabadan 750 oo kamid ah noocyadda kala duwan ee gaadiidkooda.”
Wuxuu intaasi ku daray in xoogaga wax iska caabinta ay ku socdaan wadadii ay burburin lahaayeen ciidanka difaaca Israa,iil isla markaana aysan xamaas u hogaansami doonin shuruudaha qabsashadda.
Hadalka yaxye sinwaar ayaa wuxuu imaanayaa xili afhayeenka militariga israa,iil daniyal hagari uu axadii qiray in ciidamadda israa,iil ay iska cabin adag kala kulmayaan xoogaga ka dagaalamaya marinka qaza,isagoona ku celiyay in dagaalka uu daba dheeraan karo.
Waxaa sarkaalkaan lagu tilmaamaa ninka ay israa,iil ugu doon doonista badan tahay ee saraakiisha xamaas xili uu ku sugan yahay meel kamid ah magaalada qazza.
Ninkaan ayaa israa,iil waxay ku eedaysay in door muuqdo ka qaatay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay xamaas 7-dii bishii oktoobar ka gaysatay israa,iil.
Militariga israa,iil ayaa waxaa ay dhawaan warqado ku daadiyeen marinka qazza kuwaasi oo ay ku bixinayaan abaal marin lacageed oo dhan afar boqol oo kun doolar ( $400,000) oo la siin doono cidii keento xog horseedi karto in lasoo xiro yaxye sinwaar.
Waxaa maxkamad ku taalo israa,iil sanadkii 1989 ku xukuntay xabsi daa,in kadib markii lagu helay in uu ka qayb qaatay dilka dad falastiiniyiin ah oo lala xeriirinayay in ay u basaasayeen israa,iil iyo in uu maleegayay dilka labbo kamid ah ciidamada israa,iil.
Sinwaar ayaa xabsiga laga sii daayay kadib 22 sano oo uu xirnaa isagoona kamid noqday 1,027 maxaabiis falastiiniyiin ah oo israa,iil ay sanadkii 2011 ku bedelatay askari israa,iili ah oo lagu magacaabo gilaad shaliit kaas oo xamaas haysatay shan sanno.