Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drone-ka ayaa weeraro qorshaysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka galgaduud ee maamulka galmudug,waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida wararki sheegayaan.
Weerarada la beegsaday ayaa ka kala dhacay magaalooyinka masagawaay,baraag sheikh caamir ilaa cowswayne,waxaana weerarka fuliyay diyaarado loo malaynaayo in ay leeyihiin dowladda maraykanka,kuwaasi oo dowladda federaalka soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya cabdulqaadir maxamed nuur jaamac ayaa sheegay in alshabaab ay qasaare xooggan gaarsiiyeen intii ay socdeen howlgaladda cirka ah oo lagu beegsadat xubno aan magacyadooda iyo xogtooda la shaacin.
Sarkaal kale oo katirsan laamaha amaanka ayaa tilmaamay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droneska ah ay la beegsadeen goob ay isku aruursanayeen xubno katirsan kooxda alshabaab oo qorshaynaayay weeraro.
Dowladda federaalka soomaaliya iyo taliska maraykanka ee qaabilsan howlgalada ka socda qaarada afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM,ayaan weli faahfaahin ka bixin qasaaraha ka dhashay iyo howlgalada qorshaysan.