Duqayntii diyaaradaha dagaalka militariga israa,iil ka gaysteen magaalada Beirut ee caasimada lubnaan ayaa lagu dilay saraakiil sare sare oo u dhalatay dalka iran oo uu kujiro cabbaas nilforoushan oo ahaa taliye kuxigeenkii ilaalada kacaanka iran.
Sidoo kale sareeye guuto cabbaas nilforoushan ayaa xiligii la dilayay la joogay hogaamiyihii la dilay isna ururka xisbullah sheikh xasan nasrullah waxaana weerarkaan noqday mid sidoo kale galaaftay nolosha saraakiil kale oo muhiim ahaa.
Dhanka ka kale wasiirka arimaha dibadda ee dalka iran cabbaas araqchi ayaa axadii sheegau in dilka ay israa,iil ku dishay taliye kuxigeenkii ilaalada kacaanka iran ee magaaladda beyruut uu ahaa dambi aad u fool xun waxa uuna xusay in falkaasi ay iran ka bixin doonto jawaab adag.
“Shaki kuma jiro in dambigaan foosha xun ee ay gashay maamulka sahyuuniyadda (israa,iil) uusan noqon doonin mid jawaab la,aan ah” ayuu araqchi kuyiri hadal uu u jeediyay taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ah,major generak xuseen salaami.
Ugu dambayn dowladda iran ayaana shaacin nuuca jawaabta ay ka bixin doonto dilka loo gaystay sareeye guuto cabbaas nilforoushan waxaa ayna iran marar badan hanjabaadyo culus u jeediyeen israa,ii loo dishay xubno katirsanaa ilaalada kacaanka iran,sidoo kale gudaha iran ku dishay madaxii xamaas ismaaciil haniya.