Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorshaysan ka sameeyay duleedka magaaladda baydhabo ee xarunta gobolka baay kaas oo lagu qaaday maleeshiyada alshabaab.
Howlgalka oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutadda siddeedaad ee qaybta lixdanaad ciidamada xooga dalka kuwaas oo isku fidiyay agagaarka goog-gaduud buurey.
Taliyaha ururka 47 aad guutadda 8 aad,qaybta 60 aad ee ciidanka xooga xidigle axmed maxamed nuur(axmed dhageey) oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay inay gaareen tuulooyin ay kamid yihiin misgaale,warta kormar,duurow,mintaanka,qurunlow,asharaaf,gololow,goof-golol iyo xariira jiif kuwaas oo u dhow goofgaduud buurey ee gobolka baay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay burburiyeen maktab ay ku diiwaangeliyaan xubnaha cusub ee doonaya inay ku biiraan maleeshiyada al shabaab iyo goobo kale oo lacago baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka gala gobolada baay iyo bakool.
Goboladda baay iyo bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda alshabaab oo inta badan go,doon geliyay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa koonfur galbeed taasi oo keentay inay xaalad adag ay galaan shacabka ku dhaqan halkaasi.