Ra,iisul wasaaraha xukuumadda JFS,xamse cabdi bare ayaa sameeyay isku shaandhayn kooban oo golaha wasiirada ah.
Xubnaha cusub ayaa kala ah
1.maxamed cabdi xayir maareeye oo loo magacaabay wsaaradda beeraha iyo waraabka waxaa lagu bedelay axmed madoobe nuunow.
2.c/salaam cabdi cali ayaa loo magacaabay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta ,hore waxaa halkaas u joogay ismaaciil cabdiraxmaan sh bashiir.
Raysalwasaare xamse cabdi bare ayaa wareegtada uu soo saaray ugu magacaabay maxamed cabdi xayir maareeye in uu noqdo wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka halka cabdisalaan cabdi cali (cali dhaay) isna loo magacaabay wasiirka howlaha guud.
Magacaabista iyo xil ka qaadista labbadaan wasiir ayaa imaanaysa xilli weli ay banana yihiin bosas seddex wasaaradood oo kala ah wasaaradda arimaha dibadda,wasaarada amniga iyo wasaarada haweenka iyo khoyska.