Hay,adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka (NISA) ayaa soo saartay bayan degdeg ah kaasi oo ay uga jawaabayso qoraal kasoo baxay shirkada hormuud iyo fatashaadii ay shalay ciidanka NISA ku sameeyeen xarun kamid ah kuwa shirkada.
Waxaa ay NISA sheegtay in shirkada ay ka dalbatay in fatashaad ku samayso dhaqdhaqaaqa koontooyin Bangi iyo adeega EVC plus kadib markii hormuud ay ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto maleeshiyada al-shabaab.
Sidoo kale hay,adda ayaa sheegtay in baaris ay samaysay ku ogaatay in qaar katirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xeriir la leeyihiin kooxda shabaab.
“Hay,adu,iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaa ay qaaday talaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga,waxayna soo xirtay qaar kamid ah howlwadeenada shirkadda oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay,adda.
Hoos ka aqriso qoraalka NISA