Ciidanka hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa degmadda afgooye ee gobolka shabeelaha hoose waxay ku qabteen gaadiid ay ku rarnaayeen qalab Elektaroonig ah iyo shaqsiyaad la socday.
Agabkaan la qabtay ayaa isugu jiro laabtoobyo,soolaro,budada laga sameeyo walxaha qarxo iyo agabyo kale oo badan oo ciidamadu isticmaalaan waxaana ay ku rarnaayeen gawaarida nooca loo yaqaano hoomeey.
Dadkaan la qabtay ayaa waxay ksuii jeedeen degaanada ay maamulaan maleeshiyaadka Alshabaab waxaana warbaahinta dowladda ay baahisay in ciidamada NISA qabteen 3 gaari kuwaas oo ay ku rarnaayeen qalab electronic ah iyo 8 qof oo uu ku jiro nin ajnabi ah kaasi oo u dhashay wadanka yugaandha.
Saraakiisha NISA ayaa haatan ku wada baaritaano shaqsiyaadka ay qabteen iyo khalabka elektarooniga ah waxaana la tuhunsanyahay in agabkaan iyo shaqsiyaadkaba ay u socdeen kooxda maleeshiyadda Alshabaab.