Ilo wareedyo kusugan dekeda wayn ee magaalada muqdisho ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in xalay dowlada soomaaliya ay lasoo degtay Markab sida hub aad u badan oo nooc walba isugu jira.
Hubka ayaa waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka masar,waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa wayn oo nooca ciidanka qaada ah kaas oo dowladda soomaaliya ay leedahay.
Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowlada masar ay siisay soomaaliya,halka wararka qaar ay sheegayaan in soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.
Wasaarada gaashaandhiga soomaaliya ayaa loo daad gureeyay hubkaan laga soo dejiyay dekeda muqdisho.
Wadada ka baxda dekeda muqdisho ilaa inta laga gaarayo wasaarada gaashaandhiga ayaa xalay la xiray waxaana marayay keliya gaadiidka hubka siday.
Weli wax war ah kama soo saarin dowladda soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsantahay balse waxaa jirta saansaan dagaal.
Dowladda soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay ka jawaabto daandaansiga itoobiya hadii uu isku bedelo gacan ka hadal waxaana jira dowladda cadeeyay in soomaaliya ay ku garab taagan yihiin taageeri militari.
Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha qawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka,kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay.