Madaxwaynaha maamulka Somaliland oo qorshaynaya in uu qalinka ku duugo heshiis Somaliland ay ku noqonayso dal wax la qaybsada dalalka dunida iyo qaarada afrika.
Madaxwayne muuse biixi ayaa safar ugu bixi doona magaalada addisababa oo uu ku soo saxiixayo heshiiska Somaliland ku noqonayso dal aqoonsi haysta oo kamid ah qaramada afrika.
Riyada Somaliland ee ah inay aqoonsi hesho muddo ka badan 30 sanno oo madax banaanideeda ay soomaaliya kala soo noqotay ayaa dhawaan noqon doonta mid rumowda sida ilo war galeen ah xaqiijiyeen.
Heshiiska Somaliland iyo itoobiya ayaa dhawaan qalinka lagu duugayaa kadib dagaalo dibloomaasiyadeed oo labadda dal ay kala kulmeen dowladda soomaaliya isfahamkii ay kala saxiixdeen bishii janaayo.