Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ee dalka itoobiya lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgaradka ee dhinaca badda oo ay gaareen abiy axmed iyo muuse biixi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiksa ra,iisul wasaaraha dalka itoobiya abiy axmed ayaa lagu beeninay wararka lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar waxa ayna warkaasi ku tilmaameen kuwa aan jirin oo been ah.
“Xafiiska raysal-wasaaruhu waxaa uu shacabka kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan waxyaabaha been abuurka ah ee hadda lagu faafinayo internet-ka ee quseeya heshiishka MOU ee Somaliland”ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska abiy axmed.
Warka kasoo baxay xafiiska ra,iisul wasaaraha dalka itoobiya ayaana shacabka looga digay in ku kadsoomaan wararka meelaha qaar lagu baahiyo,waxaana shacabka loogu baaqay in xaqiiqada ka helayaan bogga rasmiga ah ee xafiiska raysalwasaaraha.
Hadalkaan kasoo baxay xafiiska raysalwasaare abiy ayaa imaanaya xili ay soo baxayeen warat sheegaya in dowladda itoobiya ka baxday heshiiskii ay la gashay Somaliland ayna wadahadalo la furayso dowladda soomaaliya.