Wasiirka arimaha dibadda Jordan,ayman safadi ayaa galinkii dambe ee maanta si degdedg ah u tagay Tehran,kadib markii ay shaqayn waayeen iskudayo in uu dhigiisa iran ali Bagheri kani wada hadalo uu labo mar shalat kula yeeshay tilifoonka ku qanciyo in ay iran hoos u dhigto xiisada gobolka.
Wuxuu tilmaamay wasiirka Jordan inuusan Tehran tagin isagoo farriin ka sida israa,iil,balse wuxuu sheegay si loo xoojiyo xiisadda ka sii daraysa ee gobolka in loo baahan yahay joojinta dagaalka qasa.
Sii hayaha wasiirka arimaha dibadda iran,ali Bagheri kani ayaa u sheegay dhiggiisa Jordan,ayman safadi oo gelinkii dambe ee maanta booqasho degdeg ah ku tagay Tehran,si uu ugu qanciyo inay iran hoos u dhigto xiisada,inaysan iran ka joogsan doonin inay jawaab adag ka bixiso dilka haniyeh iyo ku xad gudubka madax banaanida iran.
‘’Waa lagama maarmaan in jawaab adag laga bixiyo dilka haniyeh,kamana labalabeynayno” ayuu yiri sii hayaha wasiirka arimaha dibadda iran,ali Bagheri.
Maraykanka iyo wadamada carabta ayaa bixinaya dadaallo la xeriira inaysan iran ka bixin dilka haniyeh jawaab adag oo ku soo jiida bariga dhexe dagaal wayn.
Wargayska wall street journal ayaa ku waramay in iran ay ku gacan sayrtay dadaaladda maraykanka iyo carabta ay ku doonayeen in ay xakameeyaan jawaabteeda howlgalkii lagu dilay haniyeh,iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay inay iran si cad ugu sheegtay wadamada carabta inaysan wax dan ah ka lahayn,haddii jawaabta ay ka bixinayso dilka hainyeh ay dhaliso dagaal wayn oo wada gaara gobolka.
Shabakada Bloomberg ayaa hadda ku waramaysa inay saraakiil sare u sheegeen jawaabta iran inay soo dhowdahay waxayna noqonaysaa weeraro isku mar ah oo ka imaanaya gudaha iran,xisbullah iyo xuutiyiinta yemen.