Dowladaha maraykanka,masar iyo Qatar ayaa soo saaray bayan wadajir ah oo ay ugu baaqayaan isaa,iil iyo xamaas inay dib u bilaabaan wadahadalada xabadda joojinta iyo siidaynta la haystayaasha.
Israa,iil waxaa ay sheegtay inay dad u diri doonto gorgortanka wadahadalada lasoo jeediyay kuwaas oo la sheegay inay doha ama qaahira ka dhacayaan 15-agoosto.Xamaas durba kama aysan jawaabin baaqaas.
Cadaadiska dibloomaasiyadeed ee soo cusboonaaday ayaa loo aeki doonaa isku day lagu doonayo in lagu joojiyo xiisadaha gobolka oo faraha kasii baxaysa,kadib markii la dilay hogaamiyihii xamaas ismaaciil haniyeh todobaadkii hore.
Iran oo dilkaas ku eedaysay israa,iil ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixind doonto,inkastoo isra,el aysan si toos ah uga hadlin dilka.