Dowladda itoobiya oo sheegtay in xuduudaha wadamada la deriska ah la xeri doono maalinta sida rasmiga ah loo saxiixo heshiiskii taariiqiga ah ee ay la gashay Somaliland.
Afhayeenka Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan shaacin doonaan wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska is-Afgarad ee MOUga ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale u sheegay wargayska Arab World Press in itoobiya ay soo xiri doonto xuduudka wadamada ay wadaagaan ka hor dhamaystirka MoU-ga itoobiya ay la saxiixatay Somaliland.
Talaabadaan hadii ay itoobiya qaado waxay ka caraysiin doontaa dowladda soomaaliya iyada oo la wada sugayo jawaabta ay ka bixiso.