Dowladda federaalka itoobiya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay isaga fogaynayso eedaymo ay u jeedisay dowladda federaalka soomaaliya oo ay kamid ahayd hubkii dhowaan lagu boobay magaaladda caabudwaaq.
Warxasaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada dalka itoobiya oo ku qornaa afsoomaali iyo ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in itoobiya ay si dhow ula socoto hadalada kicinta ah ee ka soo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda soomaaliya.
Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan eedaymaha uga yimid dowladda federaalka soomaaliya inay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana itoobiya 30 sano iyo dheeraad ay si hagar la,aan ah ugu howlanayd ka shaqaynta xasiloonida iyo dowlad dhiska dadka walaalaha ee soomaaliya.
Warsaxadeedka wasaarada arimaha dibadda dalka itoobiya ayaa lagu yiri “Itoobiya aad ayay uga xun tahay hadalada ah kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyada darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda saree e dowladda federaalka soomaaliya,si ay mugdi u geliyaan doorka toggan ee dowladda itoobiya ku leedahay dowladnimadda soomaaliya”.
Warkaan kasoo baxay dowladda itoobiya ayaa kusoo beegmaya iyadoo xeriirka ka dhaxeeta soomaaliya iyo itoobiya uu aad u xumaaday wixii ka danbeeyay bishii janaayo ee sanadkaan 2024,kadib heshiiskii magaalada Addis ababa ku dhexmaray raysal wasaraaha itooboya aby axmed iyo madaxwaynaha maamulka Somaliland muuse biixi cabdi kaas oo ahaa in itoobiya ay hesho qayb kamid ah biyaha iyo dhulka soomaaliya,badalkeena itoobiya dowlada u aqoonsanaynso maamulka Somaliland.