Saraakiisha ciidanka itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo hor leh waxaa ay ka bilaabeen degmooyinka gobolada gedo,baay iyo bakool kuwaas oo ka kala tirsan maamul goboleedyada jubbaland iyo koonfur galbeed.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa shabakada warkanews.com u sheegay in itoobiya ay shir isugu yeertay odoyaasha dhaqanka ee gobolada aan kor kusoo sheegnay kuwaas oo ay ka howlgalaan ciidamadeeda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamadaan oo ka dhacay deegaanada xiga dhanka xadka labbada dal diirada lagu saaray xiisada haatan u dhaxayso soomaaliya iyo itoobiya.