In ka badan lixdan qof o falastiiniyiin ah oo ay kujiraan dumar iyo caruur yaryar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqayn ay ciidamada israa,iil talaadadii shalay ilaa xalay saqdhexe ku beegsadanayeen koonfurta iyo bartamaha gaza.
Meelaha ay israa,iil gantaalada ku garaaceen ayaa waxaa kamid ah goobo ay isra,el u astaysay dhil zoon nabad ah o ay dadka barakaca ah ku nabad geli karaan.
Duqayntii ugu dhimashada badnayd ayaa talaadadii shalay ka dhacday wadada wayn ee dhexda ka marta suuqa magaaadda khaan yuunis gaar ahaan xaafada muwasi.
Saraakiisha isbitaalka Nasser ee khan younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof.
Duqayni kale oo isniintii iyo talaadadii ay isra,el ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo zawaida ee bartamaha gaza ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay.
Saraakiisha caafimaafka ee isbitaalka al Aqsa ayaa sheegay,degmadda deyral balax in dadka la dilay ay kujireen 10 haween ah 4 carruur ah.
Degamdda rafax ee koonfurta gaza hakaas oo ay ciidamada israa,iil dagaalka ka wadeen tan iyo may ayaa la xaqiijiyay in 5 falastiiniyiin ah lagu dilay kadib duqayn cirka ah oo ay ciidamada isra,el ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolaayeen.
Isra,iil ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada cirka ah oo ay ku beegsanayso xaafadaha dadka rayidka ah,militariga israa,iil ayaana sheegay in ay ku daba jiraan saraakiisha xamaas.
Hase yeeshee xamaas ayaa sheegtay in duqaymaha aanan kala go,a lahayn ee ay ka wado gaza ay uga gol leedahay in ay ku fashiliso wadahadalada xabad joojinta ee ay garwadeenka ka yihiin maraykanka iyo qaar kamid ah dowladaha carabta.