Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran abbas Araghchi ayaa uga digay maamulka israa,iil weerar aargudasho ah oo dalkooda kusoo qaadaan,waxaa uuna ku hanjabay in weerar kasta oo uga yimaada israa,iil ka bixin doonaan jawaab adag.
Waxaa uu sheegay wasiirka in israa,iil aysan tijaabin go,aanka xukuumada Tehran iyadoo ay jiraan warar sheegaya suurtagalnimada weeraro militari oo looga aargudayo gantaalada Iran ay ku riday usbuucii hore gudaha israa,iil.
“Gantaaladayadu waxay gaari karaan dhamaan bartilmaameedyadooda,waxaana ka jawaabi doonaa weerar kasta oo lagu soo qaado hay,adahayada ama kaabayaashayada, ”ayuu yiri Araghchi intii lagu guda jiray shir looga hadlayay saamaynta weerarkii 7-dii oktoobar ee xamaas ay ku qaaday israa,iil.
Waxaa uu sheegay in Iran ay sii wadi doonto taageerada ay siiso qadiyadda falastiin si ay u dhistaan dowlad u gaar ah.Isagoo ka hadlayay duqaynta ay israa,iil ku dishay hogaamiyihii xisbullah xasan Nasrallah,ayuu wsiir araghchu sheegay in “iska caabinta” israa,iil aysan ku salaysnayn qof.
Dowladda Iran ayaa heegan buuxa ugu jirta sidii ay uga hortagi lahayd weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca maamulka israa,iil waxaana jirta cabsi laga qabo in israa,iil qorshaynayso in weerar aargudasho ah ku qaado dalka Iran.