Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida hogaamiyihii xisbullah xasan nasrullah,ururka xisbullah ayaana barta telegram-ka waxaa ay kusoo daabaceen isla markaana ay ku xaqiijiyeen in hogaamiyahoodii uu geeriyooday.
“Xurmadle,madaxii iska caabinta iyo hogaamiyihii dhowrsamaa waa uu geeriyooday waxaa uuna la joogaa rabigiis”ayaa lagu yiri warka.
Kooxda ayaana u muuqatay in ay xaqiijinayso in uu ku geeriyooday duqayn ka dhacday Beirut,iyaga oo sheegay in dhimashadiisu ay timid kadib howlgal qatartiisa leh oo ay sahyuuniyiintu ku qaadeen koonfurta magaaladda.