Diyaarad siday ku dhawaad 300 oo qof oo dad rakaab tahriibayaal ah kana timid wadanka hindiya ayay ciidamada amaanka faransiiska ku xanibeen garoon diyaaradeed oo kuyaalo dalkaas.
Diyaaradaan oo kusii jeeday wadanka nikaragua ayaa lagu qabtay magaalada vatry ee waqooyi bari faransiiska xili diyaarada doonaysay in garoonkaasi ka qaadato shidaal.
War kasoo baxay dowladda faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in rakaabka tahriibayaasha ah shalay dib loogu celiyay magaalada mumbaay ee dalka hidiya waxayna faransiisku sheegeen inay kasoo hor jeedaan tahriibka sharci darada ah.