Duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada israa,iil sabtidii ku bartilaameedsadeen degmooyin ku yaala waqooyiga marinka Gaza waxaa ay ku dileen dad shacab falastiiniyiin ah kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 42 qof.
Ismaaciil al-thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warfaafinta xamaas ee Gaza ayaa wakaaladda wararka Reauters u sheegay in 24 kamid ah dadka dhintay lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri yaala xerada qaxootiga alshati oo kamid ah siddeed kaam ee taariiqiga ah ee qaxootiga Gaza ,18 kalena ayuu sarkaalkaan sheegay in ay ciidamada isra,el ku dileen xaafada al-tuffah.
War kasoo baxay militariga isra,el ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay duqeeyeen labbo xarun oo ay xamaas ku leeyihiin marinka Gaza waxaana ay sheegeen in ay dhawaan bixin doonaan faahfaahin dheeri ah.
Xamaas ayaa beenisay oo sheegtay in weerarkaasi lala beegsaday dad rayid ah isla markaana wacad ku martay in isra,el ay ka shalayn doonto waa sida ay hadalka u dhigeene.
Duulaanka israa,ii lee Gaza ayaa bilowday horaantii bishii October ee sanadkii hore kadib markii ay xamaas weerartay koonfurta isra,el halkaas oo ay ku dishay in kabadan 1,200 isla markaana soo afduubatay boqolaal kale hase yeeshee muddo siddeed bilood ah isra,el ayaa Gaza ku dishay in ka badan 37 kun oo ruux oo falastiiniyiin ubadan dumar iyo carruur.