Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal maanta labbo beelood oo kala ah macalin wayne iyo gabaawayn ku dhexmaray duleedka degmadda luuq ee gobolka gedo.
Inta la xaqiijiyay labbo qof oo mid yahay dhinacyadii dagaalamayay iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee degmadda luuq halkaas ayaa lagu dabiibayaa.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu askari dilay askari kale oo ay saaxiibo ahaayeen,waxaa u dhaxeeyay muran kusaabsan arimo dhul.
Xaalada magaalada ayaa hada ah mid degan,waxaana arinta dhacday ku dhex jira mamulka iyo laamaha amniga ee degmadaas.