Madaxwaynaha dalka turkiga recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horaysay waxaa uu sheegay in uu marti qaad rasmi ah u fidinayo madaxwaynaha siiriya bashar al assad si dib loogu hagaajiyo xeriirka labbada wadan.
Erdogan wuxuu muddo tobban sano ah si xooggan u maalgeliyay mucaaradka suuriya si ay xukunka uga tuuraan bashar al assad,laakiin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqaynin si lamid ah maraykanka oo waqti hore aqbalay in aysan awoodin xukunka in laga tuuro bashar al assad wuxuuna qaatay siyaasad go,doomin ah balse turkiga sidaa ma samayn karo sababo la xeriira xadka labadda dal iyo qatarta amni ee uga imaan karta suuriya isagoo aqoonsan bashar al assad.
Dalalka carabta ayaa iyagana ka qaaday xanibaada bashar al assad iyagoo dib usoo celiyay kursigii jaamacadda carabta.
Sidoo kale bashar al assad waa hogaamiyaha keliya ee ka badbaaday ololihii guga carabta ee ay ka faa,iidaysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbedelka uu doonayay maraykanka oo sidoo kale taageeraya siyaasada bariga dhexe ee israa,iil xukunka uga tuuray hogaamiyaashii carabta ee mayalka adkaa.
Waxyaabaha hadda ka dhacaya suuriya ayaa yimid,dhimashada malaayiin siiriyaan ah,burbur gobolo iyo barakac aan xad lahayn oo ka dhashay isku daygii xukunka looga tuurayay assad ee aan lagu guulaysanin.