Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo kaa shaanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka ayaa xalay saq dhaxe howlgal qorshaysan oo dhanka cirka ah ka fuliyay inta u dhaxaysa masagawaay iyo baraag shiiq caamir oo katirsan galgaduud.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa xawaal xooreey iyo raage bariir waxaana lagu dilay in kabadan 21 ruux oo alshabaab ah waxaana lagu gubay gaari cabdi bile ah.
Weerarkaan ayaa ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhexe fuliyay diyaaradaha dagaalka waxaana si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii lasoo dhaafay maleeshiyada alshabaab ku dhuumanayeen.