Dowladda federaalka soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay arintii shirkadda hormuud kadib markii kulan ay masuuliyiinta ka tirsan hay,adaha amaanka iyo madaxda hormuud ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Waxaa kulanka labadda dhinac ay uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa kawada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.
Sida warkanews.com ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay kujirto maslaxada guud ee dalka waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.
Dowladda soomaaliya waxay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta soomaalieyed iyo hantidooda iyada oo markasta dhowraysa sharciga.
Ugu danbayn dowladda soomaaliya ayaa dib uga laabatay warsaxaafadeedkii ay horay u soo saartay ee lagu eedeeyay shirkada HORMUUD,waxaana boggaga warbaahinta ee dowladda laga saaray warqadii NISA ee ka dhanka ahayd Hormuud telecom.