Safiirka itoobiya u fadhiya israa,iil Tesfaye yitayih ayaa shaaca ka qaaday in dowladda israa,iil ay si wanaagsan u aragto suurtagalnimada in itoobiya ay hesho saldhig miltari iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilinta gobolka geeska afrika sida uu yiri.
Intaa waxaa dheer,israa,iil kama soo horjeedo heshiiska dekedda itoobiya ay la gashay Somaliland taas oo muujinaysa mowqif taageerada sida uu sheegayo safiirkan itoobiyaanka ah.
Danjire Tesfaye oo waraysi gaar ah siiyay wakaalada itoobiya (EPA) wuxuu ku nuux-nuuxsaday dhaq-dhaqaaqyada toga nee masuuliyiinta israa,ii lee ku aadan hamiga itoobiya ee gelitaanka tooska ah badda cas iyo gacanka cadmeed.
“Mowqifka israa,iil keliya ma aha inay dhex dhexaad ka ahaato laakiin waxay na tusaysaa tilmaan taageero ah,iyadoo oo ay ugu wacan tahay iskaashiga soo jireenka ah,israa,iil waxa ay u aragtaa aasaaska ciidamadda badda ee itoobiya ee gacanta cadmeed iyo abdda cas fursad ay isaga kaashadaan xasilinta gobolka istaraatiijiga ah ee haddana aan xasilloonayn.”ayuu yiri danjire Tesfaye.
Danjiraan ayaa yiri xedhiidhka itoobiya iyo israa,iil ayaa weli ah mid xooggan,lamana filayo in heshiiska dekedda ee Somaliland uu saamayn taban ku yeesho xidhiidj=hkooda siyaasadeed iyo mid ganacsiba.
Heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gashay Itoobiya oo la saxiixay 1dii Janaayo 2024 ayaa xiisad ka abuuray gobolka Geeska Afrika ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid aan sharci darro ah.