Maanta oo axad ah dalka faransiiska waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho taariiqi ah taas oo si wayn isha loogu wada hayo natiijada kasoo bixi doonto.
Magaalooyinka waa wayn ee dalka faransiiska waxaa si aad ah uga socoto doorashooyinkaan oo loo arko mid jaan gooyn doonto doorashooyinka kale ee ka dhici doono dalkaas.
Haddii codadka ay u bataan xisbiyada midigta fog ayaa la sheegayaa in ay keeni doonto niyad jab ku imaan doono madaxwaynaha hadda talada haya macron.
Madaxwayne macron oo ka niyad jabay natiijadii uu xisbigiisa ka keenay doorashadii baarlamaaniga ee midowga yurub ayaa horaantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeedii laga soo hor mariyay.
Taasi waxaa ay ka dhignaan doontaa in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay seddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono,hadii laga guulaysto.