Waxaa xalay fiidkii degmadda baardheere ee Gobolka Gedo lagu dilay haweenay kamid ahayd dadka deegaanka waxaana sidoo kale la dhaawacay nin la joogay haweenayda dhimatay.
Dilka ayaa ka dhacay xaafada kurmaan ee degmadaas waxaana gaystay askari katirsan ciidamada booliska ee ka hawlgala degmadda baardheere.
Laamaha amaanka ee degmadda ayaa hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabteen askarigii dilka gaystay hadana waaxaa uu ku xiranyahay saldhiga booliska ee degmadaasi.