Tiro badan oo Kenyan ah ayaa isugu soo baxay banaanka baarlamaanka talaadadii si uga mudahaaradaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay iyadoo booliska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa isla markaana waxay xireen seddex qof.
Dalkaan bariga afrkika ugu dhaqaalaha badan ayaa la daala dhacayay xasarado dhanka noolasha ah iyada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay kasii dari doonto hadii la hirgeliyo canshuur kordhinta lasoo jeediyay.
Dowladda oo lacag la,aan ay hayso ayaa difaacday talaabada oo la filayo inay soo xarayso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7bilyan) kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibadda.
Dibad baxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamaanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen tilifoonada xildhibaanada ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaar wicitaan iyo fariin qoraaleedyo si looga laabta sharciga canshuur kordhinta.
Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa kamid ah canshurta baabuurta oo noqon doonto 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga iyo soo celinta canshuurta rootiga.
Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in inkasta oo canshuurta ay dhaawici kart dhaqaalaha hadana shacrigaan la filayo in meel maro sababa la xeriira aqlabiyadda baarlamaanka ee xisbiga madawayne William ruto.
Iyadoo uu jiro qilaaf sii kordhaya oo kala dhaxeeya xubno sare,Ruto ayaa ku baaqay in kulan uu xildhibaanadiisa la qaato si ay u taageeraan sharciga ka hor doodad baarlamaanka oo bilaabanaysa galabnimada talaadada.
Baarlamaanka waa inuu meel mariyo nuqulka ugu dambeeya ee hindise sharciyeedka ka hor 30-ka June.
Ruto ayaa xukunka yimid 2022 balan qaad ah in uu dib usoo noolayn doono dhaqaalaha isla markaana uu lacah ku shubi doono jeebabka danyarta hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyay qanacsanaan la,aan baahsan.
Waxaa uu sare u qaaday canshuurta daqliga shacabka iyo lacagta qofka laga doonayo si uu u helo caymiska caafimaadka,isaga oo sidoo kalena labbo laabay canshuurta shidaalka oo uu la dhigay 16%.
Canshuur kordhinta sanadkii tagay ayaa hor seeday dibad baxyo ay dhigeen mucaaradka oo qaarkood isu bedelay isku dhacyo dhaliyay dhimasho oo dhex maray mudahaaradaayasha iyo booliska.