Israa,iil ayaa duulaan aad u daran 24 saac ee lasoo dhaafay ku qaaday Gaza,iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin u qaybiyeen guud ahaan marinka gaza.
Mid kamid ah weerarada naxdinta leh wuxuu shalay ka dhacay aagga khaan yoonis ee koonfurta gaza,in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen,halka weerar arxan darada ah ay maanta diyaaradaha israa,iil ka gaysteen iskuul ay Qaramada midoobay maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen,15 qof ayaa lagu dilay 86 kalena waa lagu dhaawacay,weerar kale oo maanta waqooyiga gaza waxaa lagu dilay 16 qof.
Halka Rafah ay kudhinteen 6 ruux,keliya 24 saax ayay ku qaadatay isra,el si arxan darro ah in ay u disho in ku dhow 200 ruux,ku dhawaad 500 oo kalena ay ku dhaawacdo,muuqaalada weerarada laga soo bandhigayna ayaa sidoo kale naxdin lahaa,iyadoo la arkayay carruur gubatay oo dhismayaasha laga soo hoos saarayo.
Dhab ahaantii isra,el ayaa hadda ku tiirsan weerarada cirka,sababtoo ah duulaanka dhulka wuxuu noqday wax argagax ku beeray kadib iska cabin xooggan oo ay kala kulmeen dhaqdhaqaaqa falastiiniyiinta.