Wararka naga soo gaaraya degmada qoryooley ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal culus ka dhacay kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada kooxda al shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada kooxda ay weerar xoogan ku qaaday degmadaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.
Intaasi kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay labbada dhinac kaas oo dhaliyay qasaare kala duwan.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in dagaalka uu qaatay saacado badan ayna maqlaayeen rasaasta ay is waydaarsanayaan labada dhinac taasi oo cabsi ku beertay.
Saraakiisha militariga soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay inay iska caabiyeen maleeshiyada weerarka soo qaaday oo ay qasaare gaarsiiyeen.
Xaaladda ayaa haatan ah mid degan waxaana goobihii lagu dagaalamay kusugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo howlgalo kawada halkaasi.
Degmadda qoryooleey oo katirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa inta badan waxaa weeraro kusoo qaada maleeshiyada kooxda al-shabaab.