Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Birmingham ee gobolka alabama ee dalka maraykanka sida ay booliiska sheegeen .
“Tuulayaal badan ayaa rasaas badan ku riday koox dad ah”goor dambe oo sabtidii ah agagaarka shanta dhibcood ee koonfurta magaalada,sarkaal bilayska Birmingham Truman fitzgearld ayaa sidaas yiri.
Booliska ayaa goobta ka helay maydadka labbo nin iyo hal qof oo dumar ah halka qofka afaraad uu u dhintay dhaawaca kasoo gaaray rasaasta,isbitaalka sida uu sheegay.
Dembi baarayaasha ayaa baaraya in dablayda ay u socdeen dhibanayaasha ama ay wateen,mr fitgerald ayaa intaa ku daray.majiraan wax tuhmane ah oo la qabtay.
Degmadda shanta dhibcood ee koonfurta waxay can ku tahay noolol maalmeedkeeda,isagoo ka hadlayay dadka dhaawaca ah,mr fitxgerald ayaa u sheegay saxafiyiinta.
“Waxaan haynaa tobonaan dhibanayaal rasaas ah oo ka yimid aaggan.Waxaa weli la ii sheegay in ugu yaraan afar kamid ah dhibanayaasha rasaastu dhaawac daran u gaystay”
In ka badan 400 oo toogasho wadareed ayaa ka dhacay gudaha maraykanka sanadkaan ilaa hadda sida uu qabo kaydka rabshadaha Gun,kaas oo ku qeexay toogasho wadareed dhacdo ay ku dhaawacmeen afar ama in kabadan.