Wararka inaga soo gaaraya degmadda doolow ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay degmadaasi ay gaareen ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo aan kamid ahayn ciidanka ATMIS.
Ciidamadaan ayaa wata noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka waana ciidan cusub oo degmadda hada saldhigyo ka samaysanaya.
Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo madaxawaynaha dowladda soomaaliya xasan shiiq maxamuud uu safar ku tagay wadanka masar waxaana cirka isku shareeray xiisada badda ee itoobiya iyo soomaaliya markii uu madaxwaynaha uu tagay dalkaas.
Deegaanada daawo iyo degmooyinka gobolka gedo waxaa xiligaan kusugan ciidamo itoobiyaan ah kuwaasi oo isugu jiro kuwa qayb ka ah ATMIS iyo kuwa iskood usoo galay Gobolka waxaana ay ku milmeen arimaha siyaasada iyo amniga ee gobolka Gedo.